Tobankan Sheey Qofka Kudadaala Waxaa Dhab Ah Inuu Ku Guuleeysan Doono Wax Allaale iyo Wax-yaabaha Uu Ku Taamayo inuu Gaadho.....
1 . Inuu Ku Dadaalo Oo Uu Uban-baxo waxa uu doonayo inuu gaadho Taas Oo Micneheedu Yahay Inuu U Dadaalo Si Joogto Ah Sida Uu U Xaqiijin-lahaa Arintaa . Imaam Ibnu Qayim..
Wuxuu Yiri :- ((( Aduunku Waa Mid Soconaya Oo Aan Istaageyn Habeen & Dharaar In Uu Xaga Sare U Baxo Iyo In Uu Xaga Hoose U Daadego Ama In Uu Xaga Hore U Socdo Oo Micneheedu Yahay In Uu Horumar Sameeyo Qofka Iyo Inuu Dib U Dhac Ku Yimaado ))) Wuxuu Ku Yiri Kitaabkiisa Madaarij Asaali-Kiin …..
Wuxuu Yiri :- ((( Aduunku Waa Mid Soconaya Oo Aan Istaageyn Habeen & Dharaar In Uu Xaga Sare U Baxo Iyo In Uu Xaga Hoose U Daadego Ama In Uu Xaga Hore U Socdo Oo Micneheedu Yahay In Uu Horumar Sameeyo Qofka Iyo Inuu Dib U Dhac Ku Yimaado ))) Wuxuu Ku Yiri Kitaabkiisa Madaarij Asaali-Kiin …..
2 Qofku Waa In Uu Daacad U Noqdaa Arinta Uu Doonayo Sida Uu Ku Gaadhi Lahaa Haday Tahay Tacliin Sare Inuu Barto Iyo Hadii Ay Tahay Inuu Meel-Saro Gaadho Oo Micneheedu Yahay Haduu Wax-baranayo Inuu Daacad U Noqdo Wax-barshada Haduu Shaqaale Yahay Inuu Shaqadiisa Daacad U Noqdo Oo Uu Ku Farax-san Yahay Shaqada …..
3. Inuu Garto Oo Uu Xadido Hadafka Uu Qofku Leeyahay Tusaale Ahaan Ardaygu Waa inuu Gartaa Ujeedada Uu Arday U Yahay?? Muxuu Aroor-kasta U Soo Kalahaa Isaga Oo Xidhan dreyska Oo Buugagsita,, Maxay Waalidku Ugu Soo Diraan Ubadkooga Aroor-kasta Iskuulka ( Dugsiga ) Iyagoo Wax-kasta Ula Diyaar Ah ?? Jawaabtu Waxa Weeyi Waalidku Wuxuu Doonayaa U Jeedo Keliya Waa Inuu Ilmaha Yare Wax- U Barto Oo Uu Is Anfaco Dabadeetana Waalidkiisu Ku Nastaan Maanta Waan Aragnaa Nolosha Maciishadu Sida Ay U Adagtahay ?? Hadana Iyada Oo Taasi Jirto Ayuu Waalidku Naf Iyo Maal U Hurayaa Ubadkooga , Bal-ka Waran Ubadku Hadayna Arag Dhibaatada Waalidka Haysata Waa Ayaan Daro ‘ Weyn Taasi Waa Inay Ubadku Gartaan Waxa Waalidkoogu Ay-ka Doonayaan Oo Wax-barasho Ah Iyo Akhlaaq Iyo Dadaal Xadida Hadafka Waa Inuu Qofku Sheeyga Uu Doonayo Ee Uu Socdo Oo Keliya Uu KU Dhegaa Oo Uuna Ku MashquulinWax-kale Hadafka Iyo U Jeedada Waxaa Loo Qaybiyaa Mid Dhow Iyo Mid Fog , Mid Weyn Iyo Mid Yar Intaba Waa Inaad ilaashato Si Aad Ugu Guulaysato tusaale. Haduuardaygu Galaaska Ama Fasalka 8aad uu Dhigto Waa Inuu U Kala Horeeysiyo Siday U Kala Horeeyaan Arimaha Tusaale Ahaan waa inuuna ku Mashquulin Oo uuna Waqtiga Iskaga Lumina Aqrinta Buugaagta Dugsiga Sare Ee Aanu Gaarin Tan-kale Waxaa Manta La Doonayo Iyo Wax Mar Dambe Loo Baahan Yahay Inuu Horeeysiiyo Tana Manta Ee Uuna Waqtiga Iskaga Qaadina Wax-Kale …..
4.Qorshe Inu Qofku Yeesho Uu Ku Fulinayo Waxaa Uu Doonayo Ama { Plane } Inuu Yeesho Taasina Waa Tan Dadku Ay Ku Kala Horumareen Tusaale “ Nin Qoraa Ah Oo Sucuudiga U Dhashay Ayaa Wuxu Ka Sheekeyay Qorshe Uu Dejiyay Oo Uu Ku Guuleystay Wuxu Ahaa Macalin Jaamacad Maxamed Binu Sucuud Ee Riyaadh Wax- Ka Dhiga Wuxu Haystay Digrii Wuxuu Jeclaa Inu Tego Wadanka Mareynkanka Oo Uu Ka Soo Diyaariyo { Mastar } Duruuf-tana Umay Saamaxeyn Waxaa La Odhan Jirey Ibraahim Ibnu Xamad Al-Caqiid Wuxu Dejiyay Qorshe 5sano Ah Si Uu Ugu Safro Jaamacad 5sano Ka Dib Wuxu Ustad Ibraahim Yiri ((( Waxaan Lahaa Waqtigaa Xaas Iyo Caruur Waxay Galayeen Guri Kiro Ah , Waxa Qorsheeyay inan 5sano Jaamacad , Ka Shaqeeyo Oo Aan Guri U Dhiso Biilna U Diyaariyo Aan Kaga Tago)) 5sano Hawl Adag Ah Ayuu U Galay , Ka Dibna Wuu Ku Guuleeystay Markaa Haduu Iska Tegi Lahaa Uma Suuro Gasheen Xaaska Iyo Ciyaalka Inu KaTego Iyagoo Kiro Ku Jira Oo Biil U Baahan Isaguna Uma Suuro Gasheen , Markii Danbe Ee Uu Soo Noqday Wuxu Ka Qabtay Sucuudiga Hawlo Ugu Wax-tar Badan Kuwii Hore Marka Qorshuhu Waa Muhiim Tusaalaha Labaad Hooyo U Dhalatay South-Suudan Oo Muslimad Ah Oo Dan-yar Ah Ayaa Waxay Doontay Inay Xajka Tagto Dabadeedna Islaantu Waxay Baagiye Iyo Sharaab Ku Hor Iibinaysay Iskuul Ku Yaala Magaalada Juba Ee Caasimada South Suudaan Islaantii Waxay Qorsheeysay Inay Maalin Kasta Xoogaa Yare Lacag Ah Inay Ku Ururiso Daasad Ay Dusha Ka Daloolisay Mudo 4sano Ah Ayaa Waxay Ku Ururisay Daasadii Lacag Qadaadiic Ah Oo Lagu Qiyaasay 3000 , 000 , 000 Jineeye { Sadex-Milyan Oo Jineeye } Dabadeedna Waxay Tagtay 2011 Xajka Arintaasi Waxay Ku Tusineeysaa Inan Wax-qabsan Karno Hadii Aan Wax-qorsheeysano Qorshaha Qofku Sameeynayo ee Uu Doonayo Wuxu Noqan Karaa Maalin , Todabaad , Bil , Sanad , 3sano ilaa 5sano Intuba Waa Ok laakin Qorshe la Aanta Ayaan Wanaagsaneyn …..
5.Tan Shanaadna Waxa Weeyi Qofku Inuu Xooga Saaro Oo Uu Xoog Ugu Dadaalo Wuxu Doonayo Inuu Gaaro Allana uu u Talo Saarto Runtii Sheeyga Loo Dadaalo Ayaa La Gaaraa. Waa Inuu Qofku Hawlaha Horyaala Ee Danahiisa Ah Uu Na Dib U Dhigin Waxuu Maanta Qaban Lahaa Waayo Arintaasi dib U Dhac Bay ku Keeneysa .Waana Inu Qofku Meel Hoose Ka Soo Bilaabo Hadii Uu Doonayo meel Sare Inu Gaaro. Tusaale Wasiiradii Hore Ee Arimaha Dibada Ee Yuhuuda { Miss Liffni } Ayaa Waxa Ay Ka Sheekaysay Markii U Danbeeysay Ee Xisbigeega Doorashada Lagaga Guuleysatay Ee Xilka Wasiirnimo ay Ka Degeeysay Ayaa Waxa Ay Ka Sheekeysay Noloshadii Hore Ee Ay Ku Nooleeyd Dalka Mareynkanka Waxay Ka Warantay Inay Ahayd Nolol Adag , Iyada Oo Shaaqiyad Ka Ahayd Aqalada Dadka Hantida Leh Ee Mareynkanka Si Ay Iskaga Bixiso Fiida Yar Ee Wax-barashada Iyo Dirayska Iskuulka Iyo Wax-yaabaha Kale Ee Nolosheeda Waxa Ay Sheegtay Inay Dhib Badan Ka Soo Martay . Hadaba Noloshu Waxa Ay U Baahantahay Samir Iyo Adkeysi Iyo Da’daal Iyo Tala-Saarasho Alle . Waxa Aan Ku Soo Gaba-Gabeynayaa Kalimadeyda Qaybtana Koowaad Sheeko Ay Qoreen Jaraa’idyada Caalamka Maal-mihii Dhawayd Waa Madax-weynihii 43 Ee Soo Mara Xilka Dalka Mareynkanka Jorje W , W Buush2 Markuu Ka Degay Xilka Dalka Mareynkanka Ayaa Waxa Uu Bilaabay Inuu Wax-barasho Dib U Galo Oo Uu Barto Far-shaxanka Iyo Sawirada Oo Markii Danbe uu Ku Noqday Macalin Weyn Oo Far-shaxanle Ah Inagu Maadaama Aanu Nahay Dad Muslim Ah Waxa Nagu Waajib Ah In Aan Waqtiga Ka Faa’idaysano Oo Aan Wax-Barano. Waa In Aan iska ilaalinaa In Aan Gidaarada Fadhiisano Oo Wakhtigu Sidaa Nagaga Lumo …..
“ LA SOCO QAYBTA DAMBE ”
“ Wabilaahi Tawfiiq ”
Qalinkii :-Sheekh Asad Muuse Kibaar
Emial :- asadmuuse02@hotmail.com
Boorama / Somaliland .
Wabilaahi Tawfiiq

Waa Maqaal Fiican Ka Faa'idaysi Wacan
ReplyDeleteMaasha Allah Waan Ka Helay Maqaalkan
ReplyDelete